dhalinyaro lagu dilay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

0

HornAfrik-Wararka ka imaanaya magaalada boosaaso ee gobalka bari ayaa sheegaya in halkaasi xalay dil loogu geystay Laba wiil oo ka mid ahaa Dhalinyarada ku noolaa Magaalada Boosaaso.

Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay in labada wiil ee la dilay ay ugu tageen xeebta kadibna dhowr xabadood ay ku dhifteen.

Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool magaalada boosaaso ee gobalka bari ayaa sheegay in dabledyii dilkaasi geysatay ay iskaga baxsadeen goobta uu falka ka dhacay.

Warar dheeraad ah oo aan saakay heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Puntland ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan xaafadaha ku dhow dhow halka uu dilka ka dhacay ee Xeebta Magalada Boosaaso.

Dilkaan ayaa ku soo aadaya xilli xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ka gadoodsan mushaar la;aan ay weerareen Xabsiga Magalada Boosaaso,isla markaana uu dagaal dhexmaray Ciidamada ilaalada ka ahaa Xabsigaasi hayeeshee markii dambe uu geeriyooday mid kamid ahaa maxabiista xabsiga ku xirneyd sida la sheegay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.