Cabdi Maxamuud oo lasoo taagay maxkamad

0

Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno katirsanaa Maamulkiisa ayaa maanta markale la horgeeyay Maxkamad ku taalla Magaalada Addis Ababa dalka itoobiya

Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa Guddiga baaritaanada ku haya Kiisaska ay ku eedeysan yihiin Xubnaha xiran ugu sii dartay 10-Cishe oo dheeraad ah sid baaritaano loogu sii sameeyo eedaha loo heesto xubnahaasi.

Cabdi Maxamuud Cumar  Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo ka hor hadlay Maxkamadda ayaa waxa uu ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ka dalbaday inuu cafiyo isaga iyo dadka  la xiran.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamadda ka codsaday  in isaga iyo dadka kale ee  la xiran laga gaarsiiyo codsigooda  ra’iisul wasaaraha Itoobiyaha, islamarkaana uuu cafis u fidiyo, maadaama uu wakhti is cafis lagu jiro.

Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, iyadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban maalmood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.

Lama oga Go’aanka uu qaadan doono R/Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, kaasi oo ku aadan cafiska uu weydiistay madaxweyhihii Hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida  Cabdi Maxamuud Cumar.

Waa markii seddexad oo maxkamad  la horkeenay Madaxweynihii hore ee Dowlada Degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaana ay wajahayaan Eedemo ka dhan ah in ay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadinimada intii ay xukun hayeen oo aan owada loogu tuurin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.