Qarax dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Ex-Contarol Afgooye.

0

HornAfrik-Qarax Sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu ka dhacay bar kontorool oo ku taala isgooska Ex-control Afgooye ee Muqdisho.

Qaraxa  ayaa ahaa  Miinada nooca dhulka lagu aaso . waxaa ayna ku qaraxday goob ay ciidanka Bar-kontorool ay ku leeyihiin.

Inta la ogyahay Hal askari ayaa ku dhintay, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Dad Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidanka la qarxiyay ay ahaayeen Booliska Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay,inkastoo saacado kooban ciidamada ay joojiyeen isku socodka wadada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.