Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay Xubno Shabaab ah.

0

HornAfrik-War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubada  Hoose.

Howlgalkaasi ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka, waxaana uu ka dhacay meel qayaas ahaan 50-KM dhanka Waqooyi Galbeed  kaga beegan magaalada Kismaayo.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen 18 kamid ah Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dowlada mareykanka ayaa waxaa ay sheegtay in ay sii kordhin doonto duqeymaha ay ka fulinayaan Soomaaliya, islamarkaana ay la beegsanayaan Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa sanadkaan gudihiisa qaaday in ka badan 20 duqaymood oo dhanka cirka ah, Kaasi oo lala beegsaday dagaalamayaasha Al-shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.