Xog-Kulamo isdaba joog ah oo ka socda Villa-Somalia.

0

HornAfrik- warar ay heshay Warbaahinta HornAfrik ayaa sheegaya in kulamo is daba joog ah ay maalmahaan ka socdaan madaxtooyada Soomaaliya.

kulamada ayaa ah kuwo si aad ah looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo sidoo kale Maamul goboleedyada.

Madaxweynaha ra’iisal wasaaraha xubno ka kala tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubno wasiiro ah ayaa la tilmmaaya in kulamada ay qeyb ka yihiin.

Go’aanki 8-di bishaan ay Kismaayo ka soo saareen madaxweynayaasha Maamul goboleedyada ayaa noqday Caqabad ay wajahday siyaasadda dalka.

Madaxweyne Waare ayaa kulamo muddo qaatay kadib maalmo kahor waxaa uu sheegay in uu ka laabtay Go’aanki xirirka loogu jaray dowladda dhexe.

waxaa aad looga shaqeynayaa in la isu soo dhaweeyo madaxda uu khilaafka xoogan u dhaxeeyo ee dowladda iyo mamul goboledyada.

Sidoo kale waxaa kulamada ka socda Madaxtooyada Soomaaliya sido kale qeyb ka ah kuwo looga hadlayo khilaafka madaxda Gamudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.