Faah Faahin qaraxyo gawaari oo maanta ka dhacay Muqdisho.

0

HornAfrik-Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxayo gabaldhicii galabta ka dhacay wadada dabka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa laba gaari ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa Gaari saaruf ah oo uu lahaa Pro Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Somalia ahna falanqeeye arimaha dhaqaalaha.

Pro Yaxye Sheekh Caamir ayaa sheegay in gaariga qaraxa lagu xiray kursiga hore ee gaariga islamarkaasina xilliga uu qarxayay uu waday walaalkiis Cumar Shiikh Caamiruuna ku geeriyooday.

Prof-ka ayaa tilmaamay in gaariga uu isagu sugayay balse inta uusan gaarin halki uu joogay uu qarxay sidaasina u walalkii ku geeriyooday.

Sidoo kale gaari kale oo aan wali nuuciisa la shegin ayaa ku qarxau isla wadada dabka waxaana ku geeriyooday qofki saarnaa  iaydo la tilmamaayo in qaraxyadu ahayeen kuwo gadidka qarxay lagu xiray.

Sidaasi Inta la xaqiijyey labo qof ayaa la sheegay in ay qaraxyadii gabaldhicii galabta dhacay ay ku dhinteen halka labo kale ay ku dhawacmen.

Wadada ay gaadiidka ku qarxeen ee dabka ayaa kamid ah wadoyinka xiliyada qar ugu mashquulka badan Muqdisho waxaase jirta in mark laga soot ago afarta qof ee labo dhinteen labona dhaawacmeen aysan cid kale wax ku noqon.

 

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.