Ciidamada amniga oo rag shabaab ah ku qabtay Muqdisho.

0

Muqdisho-Hornafrik-War Qoraal ah oo soo  baxay hay’ada nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu Sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qabteen degmada Dharkeynlay ee Gobalka banaadir , kadib markii  Howlgal Qorsheysan ay ka fuliyeen degmadaasi.

Labo sargaal oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ciidanka ay ku soo qabteen Degmada dharkeynlay, iyadoona xogtan ay ka helaan shacabka degan Degmadaasi.

Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa waxaa ay shacabka ugu baaqday in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka dalka.

Halkan ka Akhriso Warka NISA

Shbaab

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.