Duqeymo ka dhacay Magaalada Saakow.

0

Muqdisho-hornafrik-Wararka ka imaanaya Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeyn ka fuliyeen  Magaaladaasi.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday xarun ay wax ku baranayeen caruurta degan Saakow iyo isbitaal ku yaala Magaaladaasi.

Inta xaqiijiyay  saddex Carruur ah ayaa ku geeryootay duqeynta, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday Magaalada Saakow, islamarkaana Gantaalada ay ku dhaceen Isbitaalka Guud ee degmada iyo dugsi wax lagu barayay caruurta ku nool Magaaladaasi.

Diyaaradaha mareykanka iyo Kenya ayaa inta badan waxaa ay duqeymo ka fuliyaan qeybo ka mid ah Gobalada dalka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.