Dalagga dalka oo bilihi danbe dibadda si aad ah loogu dhoofiyo.

0

HornAfrik– mudadii ugu danbeysay ayaa la tilmaamayaa in dalka laga dhoofiyay oo dibadda loo iib geeyay qaar badan oo kamid ah dalagga dalkeena ka baxa.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in mudada uu joogo xafiiska lagu guuleystay hormaeo dhanka ganacsiga ah.

“Lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadkan ee aan hayey xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha waxaanu xooga saarnay xoojinta dhoofinta waxsoosaarka Soomaaliya, anagoo horumarinay helista suuqyo cusub, kor u qaadista tayada iyo muuqaalka Badeecadaha la dhoofinayo, iyo siinta sharciyad iyo Shahaado la aqoonsan yahay “made in Somalia” iyo wixii la mid ah si aanu u dheelitirno dhaaliga Ganacsiga (Trade Deficit) inagala dhexeeya Wadamada aynu la Ganacsano oo Soomaaliya khasaaro ku jirto.”ayuu yiri wasiir Maareeye.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.