Axmed Madoobe oo sheegay sababta aysan u imaan kulankii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.

0

HornAfrik-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo  ka hadlay kulan uu la yeeshay xubno ka tirsan Golaha aqalka sare ee dalka ayaa kaga mahad celiyay Guddiga ka socda Aqalka sare Dadaalka uu Golaha iskugu xilqaamay inay Guddiyo u kala diraan dhamaan Maamul Gobaleedyada si ay ugu kuur galaan Xaalada ka dhex taagan Dowlada Dhexe iyo Maamulada hoostaga, waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Sababtii uu ku baaqday Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaalia, Qaabka uu u xumaaday ammaanka Caasimadda Dalka, Gacanta Sadexaad ee loo baahanyahay in ay soo dhaxgasho labada dhanac cida ay noqotaba.

Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.