Xildhibaan Maxamed Xasan “Ra’iisalwasaaraha ha is casilo”

0

HornAfrik-Kulanka maanta ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa si kulul looga hadlay xaaladda amaan ee dalka ayaa xildhibaano badan waxaa auy xukuumadda ku eedeeyeen in ay ku fashilantahay wax ka qabashada amaan darrida ka jirta dalka.

inta badan xildhibanaada hadlay aya shegay in dalka intiisa badan ay ka taliyaan Al-shabaab.

Xildhibaan Maxamed Xasan idiris oo kamid ah xubnaha ka hadlay kulanka Golaha waxaana uu sheegay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre looga baahanayahay inuu is casilo oo uu ku fashilmay wax ka qabashada amniga.

Xildhibaanada ayaana maanta ahaa kuwo si kulul xukuumadda ugu dhaliilay in ay fashilantahay oo amaan darida dalka ay gaartay halkii ugu xumeyd.

qaarkood ayaa sheegay in Al-shabaab ay Muqdisho ka sameeyeen wixii ay rabaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.