Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka oo isbitaalka ku booqda Xildhibaan xalay la qarxiyay.

0

HornAfrik-Mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya ayaa Isbitaalka Digfeer ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed oo xalay ku dhaawacmay qarax lagu xiray Gaarigiisa.

Mas’uuliyiinta Isbitaalka ku booqday waxaa ka mid ah Ra’isalwasaarah Soomaaliya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ku xigeenkiisa 1aad iyo Wasiirka amniga Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale dadka booqday ka mid ahaa Xildhibaanno ay ka wada tirsanyihiin Golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Mursal ayaa laga jaray Gacan sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta,waxaana weerarka lagu bur buriyay Gaarigiisa ku dhintay wadihii gaariga u waday.

Weerarka lagu qaaday Xildhibaan Mursal ayaa imanaya iyada oo dhawaan Madaxweynaha Hirshabeelle uu sheegay in Muqdisho aysan amni ahayn sidoo kalena ay xildhibaannada wajahayaan qatar dhinaca amaanka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.