Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qarka u saaran in isna xilka laga qaado.

0

HonAfrik-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa saakay lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb,  iyaga oo ka doodi doona maashin la sheegay in  xildhibaanada qaar  ay  ka gudbiyeen Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmuddug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey.

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay  Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa ay ku eedeeyeen in uu doonayo inuu bur buriyo Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa ay ku doodayaan in Madaxweyne ku xigeenka uu qabsan waayay shaqadii loo igmaday.

Khilaafka u dhexeeyo Hogaanka Maamulka Galmudug ayaa Xiligan maraya meeshii ugu adkeyd, iyadoona Shalay Xildhibaano ku shiray Cadaado ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.