Sarkaal Shabaab ah oo lagu qabtay Shabeelaha Hoose.

0

HornAfrik-Saraakiisha Ciidamada Xoogga  Soomaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhiggeen sarkaal ka tirsanaa Dagaalamayaasha  Al Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada Marka ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Qofkan la qabtay ayaa saraakiisha ciidamada Xooga waxaa ay ku sheegeen  in Al-shabaab uu u qaabilsanaa  Qaraxyada.

Axmed cabdi Cali (Axmed Gaashaan)  Taliyaha guutada 14 Oktobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya G/Shabeelaha dhaxe oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Ciidamada Qalabka sida  ayaa sheegay    in Sargaalkan Shabaabka ah laga soo qabtay buundada Magaalada Marko uu ku Aasayay Miino.

Sidoo kale taliyaha ayaa Sargaalka waxaa uu ku sheegay magacaiisa  Saleemaan Cumar Cabdulle.

Maalmihii ugu danbeeyay ciidamada Xaooagga  ayaa ku howlanaa baadigoobka shaqsiyaad la tuhusan yahay in ay falal amaan darro ka geystaan Magaalada Marka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.