Xog lagu helay in Shabaab iyo Daacish ay weerar ku yihiin ..

0

HornAfrik-Waraka =laga heleyso gobolka Bari ayaa sheegaya in saacidihi la soo dhaafay Al-shabab lagu arkay tuulooyin horleh oo hoos taga deeganada Buuraeyda ah ee gal gal halakasi oo la shegay in aysan horey u joogin.

Dadka deganaada oo aan la xiriinay ayaa inoo sheegay in ay soo wajahday cabsi badan oo ku aadan In Al-shabaab ay dil u geystaan iyo in lagu dul dagaalamo.

Sidoo kale tan iyo xalay ayaa dhaq dhaaqyo ciidan oo aad u xoogan laga dareemayaa Gobolka bari kaa o ay sameynayaan Ciidamada Puntland .

Amaanka Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa aad loo adkeeyay iyadoona laga cabsi qabo weeraro ay Shabaab iyo Daacish halkaasi ka geystaan.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sido kale sheegay in ay howlgalo ka sameeyeen deegaanada xeebta dhaca una dhaw degmada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ayay yiraahdeen heleen xog ku aadan weeraro ay Qorsheynayaan Shabaab iyo daacish.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.