Walaac laga qabo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

0

HornAfrik-Micheal keating  Erygeygii qaramada midoobe ee arimaha Somaliya oo  waqtigiisa sii idlaaday ayaa warbixintiisa ugu dambeysay  Waxaa uu ka jeediyay shirka golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Wakiilka ayaa waxaa  uu walaac ka muujiyay  khilaafka siyaasadeed ee uu soo  dhex galay Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada,isagoona sheegay in khilaafka siyaasadeed  dalka u horseedi karo db u dhac Balaaran.

Sidoo kale Micheal keating ayaa waxaa uu ka digay in Hadii aan xal loo helin khilaafka ay suurta gal tahay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay kodhiyaan weerarada ay ka geystaan Dalka.

Sababta ka dambaysay in murankan uu soo kala dhex galo dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada ayuu ku sheegay in kadib markii dhawaan Madaxda Dowlad gobaleedyada ay kulan ku yeesheen Magaalada Kismaayo,Islamarkaana ay sheegeen in ay hakiyeen xiriirkii ay lalahaayeen dowlada dhexe,taasina ay keentay in dalka uu galo mar xalad siyaasaded oo aad u adag ayuu yiri Micheal Keating.

Beesha Caalamka ayuu ka dalbaday in ay gacan ka geystaan dhameynta khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo Madaxda Maamul gabaleedyada.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxda Maamul gobaleedyada ay shirk u yeesheen Magaalada kismaayo,islamarkaana ay sheegeen in hakiyeen xiriirkii ay lalahaayeen Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa dhawaaan waxaa uu xilka ku wareejin doonaa  wakiilka Cusub ee qaramada midoobay Arimaha Soomaaliya  Nikos Heys,islamarkaana  dhashay dalka Koofur Afrika

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.