Deg-Deg- dowlad goboleedyada oo joojiyay wada shaqeynti dowladda dhexe.

0

HornAfrik– waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ku soo idlaaday shirki madaxda Maamul goboleedyada uga socday , waxaana ay ku sheegeen in ay hakad geliyeen wada shaqeynti ay la lahaayeen dowladda dhexe.

4 GUNAANAD:
4.1 Dadka Soomaliyeed waxay sugayeen in laga miradhaliyo howlaha baaxadda
weyn ee weli qabyada ah, oo ay ugu horeeyaan: Dhismaha Ciidan Qaran oo

leh karti ay ku hantaan Amniga Dalka, Dhamaystirka qabyo-qoraalka
Dastuurka, meel-marinta sharciga doorashooyinka, qabashada doorasho
heer dawlad Goboleed iyo heer federal, Dhismaha Golaha Adeegga
Garsoorka, qeybsiga Awoodaha, Dakhliga iyo khayraadka.
4.2 Goluhu wuxuu ka quustay in Dowladda Federaalka Soomaliyeed ay
meelmariso heshiisyadii iyo ballamadii horay loo galay. Taa bedelkeeda
Dowladda Federaalku waxay wadashaqayntii ka doorbiday faragelin
gurracan oo ay Dowlad Goboleedyada ku hayso, taasoo dhaawacday
kalsoonidii wadashaqayn ee labada dhinac dhexmari lahayd. Maadaama ay
dawlada Federaalka ah ayadu masuul ka tahay xiriir xumida labada dhinac:
Goluhu wuxuu isku raacay in sida keli ah ay wadashaqayn labada dhinac ku
dhexmari karto ay tahay:
1. In Dowladda Federaalku joojiso faragelinta gurracan ee ay Dowlad
Goboleedyada ku hayso
2. In ay garawshiyo ka bixiso xiisad abuurka iyo faragelinta joogtadda
ah
3. In la helo hannaan iyo heshiis wadashaqayn oo leh Damaanad lagu
kalsoonaan karo
Haddaba inta laga helayo fulinta qodobadaas muhiimka u ah wadashaqeynta
labada dhinac, Goluhu wuxuu hakiyey wadashaqeyntii u dhexeeya Dowladda
Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Sidaa ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka madaxda maamul goboleedyada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.