Abaabul dagaal oo laga dareemayo gobalka galgaduud.

0

Muqdisho-Hornafrik-Waxaa maalintii afaraad gacanta  Al-Shabaab ugu jira 70 qof oo ay ka afduubteen deegaanka Galqoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Sidda ay sheegayaan wararka laga helayo  Gobolka Galgaduud dadkan ayaa ku kala xiran Degmadda Ceel buur iyo Degaanka Ceel garas ee isla Gobalka Galgaduud.

Dadka Al-Shabaab afduubteen ayaa waxaa ay isgu jiraan  Odayaal, Dhalinyaro iyo waxgarad, kuwaasi oo loo haysto diyo  ay Al-shabaab  ka doonayaan dadka degaanka Galqoryaale ku dhaqan.

Wasiir Ku xigeenka amniga  gal-mudug Mahad Xasan Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu Sheegay in Maamulka Galmudug ay wadaan abaabul lagu soo furayo dad ay dhawaan Afduubteen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhawaan ay Al-Shabaab ka saari doonaan qeybo ka mid ah Bariga gobalka galgaduud.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay kordhiyeen afduubka ay ka geysanayaan qeybo ka mid ah gobalka galgaduud.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.