Masuul ka tirsan Maamulka G/Banaadir oo xabsiga la dhigay.

0

HornAfrik- waxaa goordhaw xasbiga loo taxaabay gudoomiyaha degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir Cumar Shariif Jeeg.

xarigga gudoomiyaha Xamarweyne ayaa yimid kadib markii warqad ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir oo uu ku saxiinaa kusimaha gudoomiyaha gobolka Xuseen.

warqadda ayaa lagu sheegay in Shariif Cumar jeeg uu sheegay hadalo gaf ku ah Maamulka Gobolka , Xukuumadda Soomaaliya iyo taliska Booliska oo uu sheegay in ay musuq maasuq ku dhaqmaan sida warqadda lagu xusay.

haatan xarunta danbi barista ee CID ayuu ku xiranyahay iyadoo sidoo kale shaqada laga joojiyay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.