Madaxda maamul goboleedyada maxay ka yiraahdeen shirka Kismaayo?

0

HornAfrik- Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose ka furmay shirka madaxda maamul goboleedyada ee shalay baaqday iyadoona ay furitaanka shirka ka hadleen dhammaan madaxda ka qeybgaleysa oo uu kamid yahay wakiilka Qaramada midoobey ee Arimaha Soomaaliya.

madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ahna gudoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in ay ka hadlayaan awood qeybsiga dowladda dhexen iyo mamaul goboleedyada.

Axmed Madoobe madaxweynah Jubbalad ayaa sheegay in madaxda sare ee dowladda Soomaaliya aysan fulin waxyaabaha lagu heshiiyo shirarka dhaca iyo sidoo kale qodobo dastuuri ah.

Michael Keating wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo shirka furitaankiisa goob ahaa kana hadlay  ayaa dhankiisa sheegay in loo baahanyaha wada shaqeyn iyo is faham dhex mara madxada dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

waxaa madaxda ay intaa kadib leeyihiin kulan ay saxaafaddu dibad joog ka taha.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.