Shirka Maamul goboleedyada oo maanta Kismaayo ka furmi doona.

0

HornAfrik- Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah ee maamulka jubbalaan ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inuu  ka furmo Shir u dhexeeya Madaxda maamul gobaleedyada ka jira dalka, oo intooda badan shalay gaaray Magaaladaas.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Puntland iyo Jubbaland ayaa hada ku sugan Magaalada Kismaayo, madaxweynaha Koonfulgalbeed ayaase wali gaarin.

shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ayaa diiradda lagu saari doonaa, Awood qeybsiga, wadaagga Kheyraadka, dib u eegista dastuurka iyo doorashadda 2020-ka. shirkan waxa uu socon doono mudo Saddex maalin, waxaana lagu wadaa in warmurtiyeed laga soo saaro marka uu soo dhamaado shirka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.