Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Meel-mariyay Safiirro Cusub oo la magacaabay.

0

HornAfrik-  Shirkii golaha wasiirrada ee xukuumadda soomaaliya ee uu shalay shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa lagu ansixiyay saddex safiir oo ay soo gudbisay wasaaaradda arrimaha dibadda soomaaliya.

Danjirayaashaasi ayaanan la shaacin dalalka loo magacaabay iyada oo la tilmaamay in dhawaan la sheegi doono dalalka loo kala magacaabay.

Hayeeshee danjirayaasha ayaa magacyadooda lagu sheegay Xaawa Xasan Maxamed oo horay usoo noqatay wasiirka wasaarada caafimaadka ee xukuumadda soomaaliya, danjiraha labbaad ayaa ah Cabdiweli Jeylaani Xaaji Cabdoow halka midka seddexaad uu yahay Dr Ibrahim Isxaaq.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.