Kismaayo oo ay ka socdaan shirarar xasaasi ah.

0

HornAfrik-Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa ka socda shirar aad u xasaasi la iskuguna soo dhaweynayo madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Jubbaland.

Kulamada ayaa ah kuwo labada dhinac la doonayo in leyskugu soo dhaweeyo iyadoo ay isa soo tarayaan khilaafyada u dhaxeeya.

Khilaafki ugu danbeeyay waxaa uu soo shaac baxay kadib markii ay Jubbland kismaayo ka soo celiyeen taliyaal ciidan oo ay sheegeen in aan magacaabistooda lagala tashan.

Xubo uu kamid yahay Sen Fartaag horeyna u soo noqday madaxweyne ku xigeenka Jubbland ayaa la tilmaamayaa in dhex dhexaadinta qeyb ka yihiin.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe dhankiisa inuu aqbalay dhex dhexaadinta ayaa la sheegaya , sababo badan ayayna dadka ku micnyeen , waxaase ugu horeeya dibad baxyo ka dhan ah oo maalmihi danbe ka socday meelo kamid ah deegaanada maamulkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.