Deg-Deg-Qarax gaari oo Muqdisho ka dhacay.

0

HornAfrik-War goordhow naga soo gaaray degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax xoogan oo laga maqlay degmooyinka ku teedsan Dharkeynley laga maqlay Xaafada Tabakaayo madoow.

Qaraxa waxa uu ahaa miinada dhejiska, waxaana lagu xiray gaari SURF ah, waloow aynaan ogaan cida iskaleh gaariga la qarxiyay.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in laba askari oo midi boolis yahay, kan kalena Nabad Sugid ay ku dhaawacmeen Qaraxa, markii ay udhowaadeen gaariga miinada lagu soo xiray.

Ciidamada amniga ayaa haatan Su’aalo weydiinaya ninkii iskalahaa gaariga oo aan isaga waxba ka soo gaarin Qaraxa.

Ciidamada Dharkeynley ayaa isku gedaamay goobta Qaraxa uu ka dhacay, waxeyna dadka ku kala eryayaan rasaas dhowr jiho ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.