Qarax iyo dagaal toos ah oo caawa ka dhacay Sh/Hoose.

0

HornAfrik-Qarax miino iyo sidoo kale dagaal toos ah oo socday muddo daqiiqado ah ayaa ay Al-shabaab ku qaadeen degmada Afgooye iyo duleedkeeda.

qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Buulaloow ee duleedka degmada Afgooye waxaana lagu waramayaa in Miinadu haleeshay gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu waramayaa in uu gaaray askarti gaariga saarnaa qaarkood.

dhinaca kale Xaafadda Buulo fooliyo ee degmada Afgooye ayaa caawa fiidki lagu qaaday dagaal socday qiyaasti muddo toban daqiiqo ah .

dagaalka lama oga inta uu la egyahay qasaaraha ka dhashay balse waxaa uu imanaya xilli ay Taliska Booliska soomaaliya sheegeen in ay iska difaaceen dagaal xalay lagu qaaday degmadaasi.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.