Madaafiic lagu garaacay xaafad kamid ah Muqdisho.

0

HornAfrikTiro mdafaaiic ah ayaa gelinkii danbe ee maan waxaa ay ku dhaceen xaafad kamid ah degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaafiicda oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa Saddex xabo ayaa mid ka mid waxaa la sheegay inuu ku dhacay Laamiga Geed Jaceyl, kaasi oo khasaaraha ugu badan geystay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay inuu arkay dhaawacyada Shan qof oo Haweeney ay ku jirto, kuwaasi oo yaallay goobaha ay ku soo dhaceen Madaafiicda oo isku dhaw.

“Walaalow meeshaan dhibaato ayaa ka dhacday ilmo yar yar iyo dad waa weyn ayaa dhaawacmay, waxaa ugu daran madfaca ku soo dhacay laamiga, khasaaraha ugu badan midkaas ayaa geystay.” Ayuu yiri qof degaanka ah.

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la geeyay tiro dhaawacyo ah, kuwaasi oo ku soo dhaawacmay Madaafiicda ku dhacday Xaafadda Geed Jaceyl ee degmada Warta-nabadda.

ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha Ammaanka oo ku aadan madaafiicda maanta ku dhacday Warta Nabadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.