Dowladda Qatar oo qorsheyaal horleh ka damacsan Soomaaliya!

0

HornAfrik- warar uu helayo HornAfrik ayaa sheegaya in Dowladda Qatar ay Soomaaliya ka damacsantahay qorsheyaal horleh.

Qatar ayaa la tilmaamayaa in ay wado dedaal ay dowladda Soomaaliya ugu qancineyso in ay horseed u noqonto dhex dhexaadin loo sameeyo wadamada Khaliijka ee is khilaafsan.

muddo ka badan sanad ayaa ay Qatar go’doon ugu jirtaa dowladaha kale ee Khaliijka ee Sacuudiga iyo Imraataaka ugu horeeyaan.

wararka ayaa sheegaya in damaca Qatar uu yimid kadib markii lacagta dalka Turky-ga ee Liiraha uu ku yimid qiimo jab , waxaana ay dareemeysaa baa la leeyahay Qatar in muhiimada ay u leedahay heshiiskaasi dhanka dhaqaalaha iyo isu socodka intaba.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.