Muran ka taagan shirka madaxda maamul Goboleedyada.

0

HornaAfrik-waxaa muran badan uu maalmahaan ka dhex taagan yahay madaxda maamul goboleedyada kadib markii uu Cabdiwali Gaas oo gudoomiye u ah gole ay ku mideysanyihiin uu iclamaiyay shir ay Kismaayo ku yeeshaan horaanta bisha soo socta.

muranka ayaa ah mid ka dhashay warqadda shirka lagu iclamaiyay oo loo diray dhamaan xubnaha kale ee Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada balse aan ku xusneyn ajandaha shirka.

waxaa khilaafka bilgiisa keenay madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele oo Muqdisho ku sugnaa lana xiriiray Cabdiwali Gaas iyadoo la tilmaamayo in Gaas uu ku wargeliyay ajandaha oo ah khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland.

taasi ayaa la tilmaamayaa in madaxda qaar isku maan dhaafsanyihiin.

sikastaba lama oga sida uu xaalku noqon karo waxaase jirta in shirka ay ku balansanyihiin 3-da bisha soo socta ee September.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.