Muqdisho:-Ciidamada Ammaanka oo heegan la geliyay iyo digniino.

0

HornAfrik- Saacdihi la soo dhaafay waxaa heegan buuxa la geliyay dhammaan qeybaha ciidamada ee leh  Booliska , Milatariga iyo Nabadsugidda kadib markii la helay xog sheegeysa in qaraxyo lala damacsanyahay goobo muhiim ah.

ciidamada ayaa lagu amray in in ay feel jignaan badan galaan si looga hortago gawaari iyo dagaalamayaal Shabaab ah oo la sheegay in ay weeraro ku qaadi rabaan xarumo ku yaala Muqdisho.

waxaa la sheegay in rag gaaraya 10-dagaalame iyo sadex gaari ay weeraro la damacsanyihiin xarumaha kala ah , Mekka Al-mukarama , Wasaaradda arimaha dibadda , wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha iyo Xarunta nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka.

gadiidka ayaa la sheegayaa in ay yihiin:-

Toyota Hoomey Qalin ah (AB4816).
Toyota Noah (AC3623).
Toyota Surf (–7358).
waxaana haatan magaalada Muqdisho laga dareemayaa feeljignaanta laamaha ammaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.