Cabdalla Cabdalla “Hey’adda Nabadsugidda Soomaaliya waa la badalay”

0

HornAfrik-Taliye ku xigeenki hey’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdalla Cabdalla Maxamed oo dhawaan xilka laga joojiyay lagana qaday ayaa sheegay in la baalmaray nidaamki hey’adda loo dhisay.

Taliyaha oo wareysi siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in hey’adda loo dhisay sirdoonka iyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen amaanka dalka balse haatan ay noqotay mid lagu weerao laguna dabagalo mas’uuliyiinta dowladda sida uu sheegay.

“Waa laga badalay nidaamkii ay hey\adda ku shaqeyn jirtay haatan waxaa lagu tuhmaa dadka dowladda u shaqeeya” ayuu yiri Cabdalla

Cabdalla cabdalla Maxamed aya sidoo kale sheegay in xilka qaadistiisa aanan lagu wargelin sidoo kale aan loo sheegin sababta looga qaaday xilkaasi oo uu hayay muddo 6-sano ah.

‘’Aniga leyma sheegin sababta leyga qaaday xilka waliba , waxaana ka maqlay oo kali ah warbaahinta waliba waan ka xumahay magaceyga waa cabdalla cabdalla Maxamed mana lagu sheegin xilka qaadisteyda oo waxaa la yiraahday Cabdalla Maxamed Cabdalla’’ayuu yiri Taliyaha

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.