Sawirro: Meydadka Soomaali badan oo lageeyay Jigjiga & Banaanbax weyn oo socda

0

Waxaa goordhow magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDS ka bilowday Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayaan dadka deegaanka.

Banaanbaxa oo aad u xoogan ayaa waxa uu ka socda waddooyinka magaalada iyadoo uu banaanbaxa yimid ka dib markii lasoo bandhigay meydka in ka badan 15 qof oo Soomaali hor leh.

Meydadka oo cusub ayaa isugu jira Haween, Caruur iyo Dad waayeel Soomaaliyeed ah oo lagu laayay degaanka Tuli-Guuleed oo ay weerar kusoo qaaden ciidamada Oromada la keenay jigjiga.

Dadka Meydadkooda lasoo bandhigay ayaa waxaa intooda badan xabad looga dhuftay Madaxa iyo wadnaha, halka qaar la aqoonsan la’ yahay wajigooda.

Banaanbaxyada xoogooda ayaa ka socda gudaha magaalada Jigjiga iyo Barxada Isbitaalka weyn waxa ayna dadkaasi yihiin kuwo ku qeylinaayo sharciga in la keeno dadkii wax dilay.

Sidoo kale, waxaa banaanbaxyada socda ka hortagooda ku guul dareystay ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga Ethiopia waxa ayna dadku ahaayen kuwo xitaa eryanaayay ciidamada.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.