DFS oo dishay Horjooge ajnabi ah oo ka tirsan Al-Shabaab (Magaca iyo Wadanka)

0

Saraakiisha ciidamada Xoogga qeybta 14 octobar ee DFS ayaa sheegay inay Toogasho ku dileen Horjooge Ajnabadi ahaa oo ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in Horjoogahan ay ku dileen howlgal ka dhacay Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaah hoose.

Horjoogaha la dilay ayaa la tilmaamay in qeyb muhiima uu ka ahaa maleeshiyada Al-Shabaab qeybta Gobolka.

Horjoogaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Abdinaasir Asarbajaan oo u dhashay wadanka Ruushka.

Horjoogahan ayaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab uu kaga soo biiray dhanka kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman kuwaa oo aad uga soo horjeeda maamulka Yemen.

Jeneral Cumar dheere, Taliyaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka oo u waramaayay Idaacada CXD ayaa sheegay in Horjoogahaasi ay ku dileen howlgal saacado qaatay oo ka dhacay Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaah hoose.

Taliyaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka waxa uu sidoo kale, sheegay in isla weerarka ay ku dileen maleeshiyaad kale oo ka garab dagaalamaayay Horjoogaha.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada xooga oo howlgalo joogta ah kawada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa siyaabo kala duwan u dilay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa Shabaab isla markaana isugu jira Soomaali iyo Ajanabi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.