Xog: Taliyaha NISA Oo Kula loolami Doona Shariif Xasan Madaxnimadda Koonfur Galbeed.

0

Xuseen Cismaan Xuseen oo hadda ah Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa laga yaabaa inuu banneeyo xilkaas si uu isugu sharraxo booska Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Sida uu qoray wargeyska MEP taliye Xuseen wuxuu hadda ka shaqeynayaa sidii uu walaalkiis u heli lahaa boskii xildhibaanimo ee isaga uu banneeyay markii loo magacaabay taliyaha NISA, si hadii ay ugu suuragali weyso inuu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed uu ugu soo laabto Baarlamaanka isagoo badali doona walaalkiis.

Sayid Cali Cusmaan Xuseen oo la dhashay taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa loo wadaa inuu ku guuleysto kursiga xildhibaanimada uu baneeyay walaalkiis, dhawaan guddiga doorashooyinka qaranka waxey sheegeen in loo tartami doono afar kursi oo uu ku jiro midka uu baneeyay taliye Xuseen.

Koofur Galbeed ayaa doorasho aadi doonta bisha November ee sanadkaan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda in siyaasiyiin badan ay ku dhawaaqaan musharaxnimadooda, dadka la filayo iney ku dhawaaqaan waxaa ka mid ah Xuseen Cismaan Xuseen oo ah taliyaha NISA.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo uu wargeyska MEP la xiriiray waxey sheegeen in Taliyaha NISA lagula taliyay inuusan xilligaan isi soo sharraxin maadaama ay adag tahay in laga guuleysto Shariif Xasan, hadey dhacdo inuu Xuseen Cusmaan Xuseen isku sharaxo madaxtinimada Koofur Galbeed wuxuu Madaxweyne farmaajo ku qasbanaan doonaa inuu soo magacaabo taliyaha cusub ee hay’ada NISA taasoo noqon doonta markii saddexaad tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo.

Isbadalada badan ee hay’adda NISA waxey keeni doonaa dib u dhac ku yimaada qorshahii nabad sugidda Soomaaliya, sidaas darteed waxaa laga yaabaa in madaxda sare ay isku daydo iney Xuseen ku qanciso inuu sii joogo booskiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.