Inta badan wadooyinka Muqdisho oo maanta xiran+sababta.

0

Hornafrik-Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda qaarkood.

Isgoyska Jubba, Daljirka, wadada 21-ka October, Ceelgaabta, iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada wadooyinkan xiray ayaa waxa ay yihiin ciidan wata dareeskii lagu yaqaanay ciidanka Xasilinta oo horey magaalada looga xareeyay, shacabka qaar ayaa is weydiinaya iyada oo magaalada Boolis lagu wareejiyay in hadana ciidankan lagu soo celiyo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen sababta loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho inay tahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmayo wafdi heer sare ah oo saakay imaanaya dalka.

Tani ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dadka ku nool magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid wax iska waydiisa raali gelinta bulshada ee ku aadan wadooyinka ay maraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.