Cabdi Iley Oo Xabsiga La Dhigay

0

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga kaxeeyay guri uu ka degenaa magaalada Addis Ababa isagoo la dhigey xabsiga.
Wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA ayaa ka soo xigatay xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Hase yeeshee xeer ilaaliyaha ma sheegin waqtiga maxkamad la horkeeni doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo dacwadaha loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Kulan uu shalay yeeshay Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xasaanada kala noqday Cabdi Maxamuud Cumar oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.