Imisa maalin kadib ayaa dhismo lagu bilaabay Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin 2 Wasaaradood?

0

Dowlada Somalia ayaa dib u bilowday dhismaha Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo 7 Bishii July 2018 lagu qaaday weerar toosa oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Xarunta Otto Otto oo tan iyo markii la weeraray aheyd mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa si xooli ah hadda uga socda dhismo lagu dayactiraayo xafiisyada ku burburay Qaraxa.

Waxaa xarunta ka muuqday maalmihii lasoo dhaafay burbur xooggan waxaana dhulka galay qaar kamid ah xafiisyada oo maleeshiyaadkii galay ay ka dhex fuliyeen ismiidaamin.

Dhismaha xarunta ayaa bilowday 49 Cisho kadib oo laga joogo xiliga uu dhacay weerarka kadib markii uu hakat ku imaaday shaqooyinka ay dowlada u hayeen Wasaaradaha degnaa xarunta.

Geesta kale, shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha qaarkood, ayaa waxa ay sheegen inaysan shaqeyn wixii ka danbeeyay xiliga weerarka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.