Wararki ugu danbeeyay qalalaase ka jira Marka , Sh/Hoose.

0

Hornafrik-Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa duqeyno iyo dagaalo xalay ka dhacay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii halkaasi ay weerareen xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Magaalada Marko maalmo kahor waxaa la wareegay Ciidanka Millatariga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Abaanduulhii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Warar aan helnay ayaa sheegaya deegaanka Jilib-marka oo ah wadada laga soo galo magaalada uu markii hore dagaalka uu ka bilowday, kadibna Shabaab ay u sii gudbeen bartamaha magaalada Marka oo saacado ay ka dagaalamayeen.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen dagaalka inuu barbar socday duqeymo xooggan oo madaafiic ah oo ay ridayeen guutada jugta culus ee Al Shabaab.

Meelaha sida wayn dagaalka xoogiisa uu kaga dhacay ayaa ah Kawaanka Malaayga iyo Saldhiga Booliska ee magaalada Marka iyo meelo isku muuqda ayaa halkaasi oo fariisimo ay ka sameysteen ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa riday madaafiic ay kaga jawaabayaan weerarka Shabaab, si dhab ah looma khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, inkastoo uu jiro khasaare labada dhinac ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.