Kenya oo baareysa sida uu Baasaboorkeeda ku helay Agaasime kuxigeenka NISA

0

Dowladda Kenya ayaa baareysa sida uu ku helay baasaboorkeeda dalkeeda Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, isagoo u isticmaala safarada dibadda ah.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay Taliye kuxigeenka Nabadsugida ayaa la ogaaday inuu heysto baasaboorka Kenya iyo kaarka aqoonsiga ee muwaadnimada.

Fahad Yaasiin ayaa heysta baasaboor Kenyan ah oo nambarkiisa yahay C024542 iyo sidoo kale kaarka aqoonsi muwaadinimada oo nambarkiisa 28847167, taasoo ah mid raad raac u ah baaritaanka Hey’adaha

Sida muuqata Fahad Yaasiin ayaa kaarka aqoonsiga ku qaatay inuu ku dhashay magaalada Mandhera 19 July sanadkii 1978, waxaana uu qaatay baasaboorka 6 September sanadkii 2013.

Laakiin caddeymaha Kaarka Aqoonsiga ID ayaa muujinaya inuu dhashay 5 April sanadkii 1978, sharcigana uu ka qaatay bariga Mandhera sanadkii 2001.

Xoghayaha Socdaalka, Xuduudaha, iyo diiwaangelinta dadka ee dalka Kenya Maj. Gen RTD Gordon Kihalang ayaa isniintii maanta xaqiijiyay inuu socdo baaritaanka, balse waxaa uu diiday inuu bixiyo macluumaad dheeraad ah.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada hareeyay nuqul ka mid ah Baasaboorka Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin oo isugu jira mid Kenyan iyo Soomaali oo ay saaran yihiin  Viisooyin kala duwan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.