Malaayiin Xujeey ah oo maanta istaagaya Banka Carafo , Rukniga ugu weyn xajka.

0

Hornafrik-Soomaalida sanadkan xajineysa ayaa saakay ka soo ambabaxay degaanka Mina iyaga oo ku soo jiheystay degaanka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

Xujeyda ayaa saakay basas looga soo qaaday degaanada ay degan yihiin, waxaana ay isugu tagayaan dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.

Ciidamo aad u fara badan ayaa la soo dhiibay wadooyinka waa weyn ee magaalada Maka Al-mukarama, waxaana gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira 2-KM.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga Dr. Maxamed Saalax ayaa wuxuu sheegay inay laba laabeen dadaalka iyo u adeegista martida dhulka barakeysan, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed.

Dadyowga Islaamka ayaa berri isu diyaarinaya inay u dabaal degaan maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiinta.

Dhalinyarada ka qeyb galeysa wacyi gelinta ay wadaan laamaha ammaanka Kenya ayaa waxa ay sheegeen inay aaminsan yihiin in la gaaray xilligii ciidanka Kenya lagala shaqeyn lahaa dagaalka Shabaab.

“Waxaan ka koobanahay dhalinyaro kala duwan oo ka kala yimid degaano ka kala tirsan gobolkan, waxaan iska kaashanaynaa sidii aan uga hortagi laheyn falalka ammaanka ka baxsan ee ka dhaca gobolkan, Al Shabaab halkan waxa ay ku yeesheen saameyn, waxaan dooneynaa inaanu kala saarno dhalinyarada aamisan fikirka Shabaab iyo dhalinyarada caadiga ah”. Ayay tiri Khadiija Cali oo mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada.

Dhalinyaro boqolaal ah oo reer Kenya ah ayaa horey ugu biiray Ururka Al Shabaab, inkastoo dowladda Kenya ay ku yaboohday cafis, hadana ma cadda waxtarka barnaamijkaas iyo sida dadka loogu baaqay ay uga faa’ideysanayaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.