Senatorada Aqalka Sare oo Jubada Hoose u tagay xalinta Beelo Dagaalamay.

0

Hornafrik-Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo maalmahaan ku howlanaa Xalinta Beelo walaalo ah oo ku dagaalayay galbeed Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen deegaanadadii lagu dagaalay ee laheleey iyo Barkadaha.

Masuuliyiintaan ayaa waxaa hogaaminayay Senator Iftiin Xasan Baasto iyo Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil fartaag oo labadooduba ka tirsan Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeedo deegaanada Jubbaland,Wasiirada Cadaaladda iyo Arrimaha Gudaha ee Jubbaland ayaa qeybta ka ahaa xubnaha maanta nabadeybta u gatay deegaanada aan soo xusay.

Senator Iftiin Xasan Baasto oo inta badan u dhuun daloola waxyaabaha ka socda deeegaanada Jubbaland islamarkaana Muqdisho uga baxay in uu ka qeyb qaato dhexdhexaadinta Beelaha dirirtu dhexmartay ayaa ii xaqiijiyay in isku soo dhawaansho weyn ay jirto dhawaana Xal waara laga gaari doono Colaadii labada Beelood ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad Shacab ahaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.