Deg-Deg mas’uuliyiin sare oo Musuq maasuq Muqdisho loogu xiray.

0

HornafrikCiidamo gaar ah oo ka tirsan Booliska danbiga baara ayaa goordhaw gaaray dekadda Muqdisho waxaana ay xireen masuuliyiin halkaasi ku sugnaa.

llaa lix xubnood oo ka tirsan kastamka Canshuuraha Dekeda Muqdisho ayaa loo xiray arrimo la xiriira musuq maasuq, dadka xiran waxaa ka mid ah Maamule kuxigeenka Furdada Dekeda Muqdisho, halka Maamulaha Furdada oo la sheegayo inuu ku jiro dadka loo jaray waaran xarig isna la la’yahay.

Dad goobta joogay ayaa Hornafrik u sheegay in dhamaan madaxda dekadda ay heysato cabsi badan oo la xiriira kiisaska Musuqmaasuqa oo maalmahaan dad badan loo xiray.

Warar ku dhow dhow Dekeda Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii u dambeeyay Baaritaano lagu hayay Xafiiska canshuuraha dekeda, iyadoo gebi ahaanba Xafiiska canshuuraha la xiray.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.