Dowlada Jabuuti Oo Ka Hashay Xiriirka ay Laleedahay Soomaaliya

0

Maxamuud Cali Yuusuf wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jabuuti oo bartiisa Twitterka warkooban ku soo qoray ayaa ka hadlay xiriirka labada dowladood xilli uu dalkaasi joogo madaxweynaha Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Jabuutiwaxay ahaandoonaan kuwo aan marna xiriikooda go’in:

Ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Maxamuud Cali yuusuf ee Jabuuti.

Waxaa u inta aku daray in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Maxamed farmaajo iyo Ismaaciil Geele ay ka wada hadlayaan adkeynta xiriika walaaltinimo ee u labada dhinac u dhaxeeya.

Shalay ayuu madaxweynaha Soomaaliya tagay daka jabuuti , waxaana warar soo abaxaya sheegayaan in uu halkaasi u tagay sidii uu dhigiisa dalkaasi uga qancin lahaa cabasho ay ka qabeen dalabki Madaxweyne Farmaajo ee Cuna qabateynta Eritrea.

Inkasta oo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise cawad oo KNN la hadlay xlay uu sheegay in madaxweynayaasha ka wada hadleen sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Jabuuti iyo Eritrea.

Tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya uu tagay dalka Eritrea islamarkaana uu intii halkaasi uu joogay dalbaday in cunaqabateynta laga qaado Eritrea ayaa waxaa la tilmaamayaa in uusan wanaagsaneyn xiriirka Soomaliya iyo Jabuuti , jabuutina maalmo kadib sfarkii Eritera ee Farmaajo ayay soo saareen walaac ay arinkaasi ka qabaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.