Ciidamo Uu Hoggaaminaye Caanood Oo Qarax Lala Beegsaday

0

Wararka laga Heleyo Gobolka Shabelle Hoose ayaa Sheegay in Ciidamo Uu Horkacaye Abaan-duulihii Hore Ee Ciidamada Xogga Dalka Oo Maalin Ka Hor Xilka Laga Qaaday ayaa Ciidamo Uu Watay Qarax Lala Beegsaday.

Dadka Degaanka ayaa  sheegay in Qarax Xoggan ay Maqleen Kaasi Oo Haleelay Mid Kamid ah Cabdi billayaashii Uu Watay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qaraxa ayaa Si Gaar ah Kaga Dhacay inta u dhaxeeysa Shalambood iyo Lambar 60 Oo ay Marayeen Ciidamada Gen. Caanood Uu Watay.

Saraakiil ka tirsan Miilatariga Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxaasi inuu burburiyay gaariga, islamarkaana waxyeelo uu ka soo gaaray ciidankii gaariga saarnaa, balse uu bad qabo Gen. Caanood.

Ma cada ilaa iyo hada Khasaaraha Soo Gaaray Ciidamada Uu Hoggaaminaye Janeraal Caanood Oo Saakay Ka ambabaxay Dagmada Afgooye Oo Uu Gen. Caanood Ciidamo Ku Aruursanaye,

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.