Ciidamada Puntland Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Degaanka Af-Urur

0

Taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland General Cabdi Axmed Xaashi OO Lahadlay idaacada Voa ayaa sheegay in ciidanka Maamulka Puntland saakay waaberigii ay dib ula U Qabsadeen Deegaanka Af-Urur iyagoo aney La Kulmin Wax iska Caabin ah.

Deegaanka Af-Urur ayaa Waxaa Horay Gacanta Ugu Haye Dagaalamayaasha Al-shabaab Qeybtooda Ka tagaalanta Buurakeyda Gal-gala Ee Gobolka Beri.

General Cabdi Axmed Xaashi Oo sii hadlaye ayaa wuxuu Tilmaamay intii ay hawlgalka ku jireen in aysan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ciidamada ay hada ku sugan yihiin Af-Urur.

Generalka ayaa Mar-wax Laga weydiiye Sababihii Keeney in ciidamada Daraawishta puntland ay Horey uga Soo Baxeen Deegaanka Af-urur Ee ay Manta La Wareegeen ayaa Waxaa U sheegay in taasi ay aheed Qalad Ciidan Oo Dhacay Balse Manta Dib Laga Saxay.

Ciidamadii La wareegay Degaanka ayaa Wada Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan Oo Lagu Baadi Goobaya Dagaalamayaashii Ka tirsanaa Al-shabaab Ee Maamulaye Deegaanka Af-Urur Ee Maamulka Puntland

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.