Deg-DegWafdi ka socda dowladda Eritrea oo Muqdisho soo gaaray.
Hornafrik-waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo degay wafdi ka sopcda dowladda Eritrea.
Wafiga ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Cusmaan Saalax , waxaana kamid ah La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab sida loo xaqiijiyayHornafrik.
waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho wafdiga ku soo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , waxaana la tilmaamayaa in loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya oo ay kulamo ku leeyihiin.