Muxuu yahay Guddiga dhaqaalaha Qaran ee shalay lagu dhawaaqay?

0

Hornafrik-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 12kii Bishii july wareegto ku magacaabay Guddiga dhaqaalaha Qaranka, oo ka kooban 9 xubnood.

Waxaana shalay Guddigaas si rasmi ah u shaaciyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre,iyada oo munaasibad Guddigaas lagu soo bandhigay lagu qabtay Muqdisho.

Dood badan ayaa ka timid Guddigan oo marka hore aan ahayn Dastuuri,una dheertahay in ay ku jiraan xubno Ajaanib ah.

Dhaliilaha kale ee Guddigan ka jira waxaa ka mid ah in Haweenku aysan saami ku lahayn kuwaas oo 30% Dastuurka KMG ah siiyay in ay ku yeeshaan hanaanka siyaasadeed ee dalka.

Haddaba haddii aanu dib u eegno Dastuurka KMG ah Cutubkiisa 10aad waxaa uu qeexayaa Guddiyada madaxa banaan ee ay tahay in la sameeyo,waxaana ka mid ah;

  • Guddiga Adeegga Garsoorka
  • Guddiga Xuquuqda Aadamiga.
  • Guddiga la dagaallanka Musuqa
  • Guddiga Adeegga Baarlamaanka
  • Guddiga Xudduudaha iyo Federaalka
  • Guddiga isku xirka Xukuumadaha
  • Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee doorashooyinka
  • Guddiga amaanka Qaranka
  • Guddiga Runta iyo dib u heshiisiinta
  • Guddiga Gardoonka/ilaaliyaha Dadweynaha

Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo kuma jiro Guddiyada madaxabanaan ee uu oggolyahay Dastuurka .

Magacyada 9ka Xubnood ee Guddigan ayaa kala ah;

Dhaqaalyahannada Soomaalida ah ee ku jira golaha dhaqaalaha Qaranka ayaa kala ah:

  • Ali Issa Abdi.
  • Dr Aues Scek:
  • Hussein Warsame
  • Hussein M Siad
  • Sakhawadin Mustafa Mohamed

Dhaqaala Yahannada aan Soomaalida ahayn ee la shaqaynaya Golaha dhaqaalaha Qaranka

  • Abdalla A. HAMDOK
  • Peter J. Middlebrook
  • Edward Sambili
  • Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno

Shaqada Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee uu Magacaabay Madwxweynaha ayaa ah,  Kala Talinta Dowladda Dhaqaalaha iyo Istiraatiijiyadda dhaqaale iyo maaliyadeed ee dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.