Xubo ONLF ah oo ku xiran Galgaduud , yaa xiray?

0

Hornafrik-Waxaa isa soo taraya wararka la xiriira xarigga balanballe loo geeystay xubno ka tirsan Jabhadda ONLF oo la shegay in maamulka galmudug gacanta ku dhigay.

Wararka naga soo gaaraya degmada Balanballe ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa waxa ay sheegayaan, in halkaa lagu qabtay rag hubeysan oo ka tirsanaa jabhadda ONLF, ee ka dagaalanta dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato.

Taliyaha Booliska degmada Balanballe Cabdi Muuse Cali ayaa la hadlay Warbaahinta waxa uu sheegay in rag ka tirsan ONLF oo 10 neeyo ahaa, ayaa waxa gacan ku dhigay meleeshiyaad deegaankaa oo aay horay ula soo xiriireen, balse aay wax shaqaa ku laheeyn ciidanka dagmadda Balanballe.

Taliyaha ayaa hadalkiisa raaciyay inaan la garaneeyn halka loo kaxeeyay iyadoona malaashiyaadku aay la wareegeen hubkii aay wateen xubnihii ONLF.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii duledka balanballe lagu xiray markii Rag ka tirsan Jabhadda Xureeynta Dhulka Soomaalida ee ONLF iyadoona wararku horaan aay tibaaxayeen in maamulka dagmadu gacanta ku dhigeen, waxaase beeniyay Taliska Ciidanka ee balanballe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.