Juxa:-Dowladda Soomaaliya faro gelin ayay ku wadaa maamul goboleedyada.

0

Hornafrik– Cabdi Faraax Saciid Juxa wasiirki hore ee Arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo xalay ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ee Puntland ayaa sheegay  in dowladda Soomaaliya ay faro gelin ku heyso maamul goboleedyada.

Wasiirki hore Juxa ayaa madaxda dowladda waxaa uu uga digay in ay faro geliyaan doorashada Puntland ka dhici doonta.

Maamulka Puntland ayaa bilaha soo socda waxaa lagu wadaa in ay qabtaan doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi iyadoo uu waqtiga ka dhamaaday madaxweyne Cabdi wali Gaas.

Gaas ayaana la tilmaamayaa in isagaba uu yahay musharax madaxweyne.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.