Deg-Deg-Shabaab oo xoog looga saaray deegaan ka tirsan G/Shabeelaha Hoose.

0

Hornafrik-Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa maanta waxa ay la wareegeen deegaanka Gaaywiroow oo ku yaalla duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa inta aysan tuulada la wareegin waxa ay dagaal kala kulmeen dagaalamayaal ka tirsan  Shabaab.

Lama oga in ay baaqi kusii noqon doonaan ciidamadan qabsaday tuulada Gaaywiroow oo ku dhaw magaalada Qoryooleey.

Ugu danbeyn lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii saaka dhacay ee Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen tuulada Gaaywiroow.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.