Taliyaal ciidan oo Musuq-Maasuq loogu xiray Muqdisho.

0

Hornafrik-Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa xabsiga loo taxaabay waxaana Saraakiishaa lagu eedeeyay in ay qaateen Laaluush.

Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomane Xuseen oo ah taliyaha Ciidanka Booliska saldhigga degmada Wartanabadda , Cabdi Cumar Isaaq taliyaha Baarista Dambiyada ee Saldhiggaasi  iyo Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo isna ka tirsanaa Ciidamada saldhigga  degmada  ayaa dhamaantood lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacago laauush ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa Amartay in raggan lasoo xiro, waxaana durbadiiba lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada

Warbaahinta dowladda ayaana baahisay warkaan ku aadan in lasoo xiro saraakiisha booliska ee degmada warka nabada.

shalay ayeey eheed markii Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir lagu soo xiray  kaaliyaha maxkamadda gobalka banaadir Cabdul Qaadir C/llahi Xasan Shaango kaasi oo lagu ee deeyay musuq maamuq

waxa isa soo dareeso nidaamka ay Dowladda soomaliya  ay sheegtay in ay ladagaalameeso musuq maasuqa , inkasta dhaliilo badan loo jeedinayo.dowlada

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.